DAAD waa Hay’ad Germany ah oo bixisa Fully Funded Scholarships iyo Programs kale oo badan.
Programkaan waxaa la aasaasay sanadkii 1925 magaalada Heidelberg ee dalka Jarmalka, ujeedada u weyn ee loo aasasay wax ay aheed in ay kor loo qaado tacliinta dowladda Germany, balse marke danbe waxa ay noqotay hay’ad weyn oo kudaha iyo dibada jarmalka si fiican ugu shaqeeso.
Barnaamijkaan waxa uu sanad walba bixiyaa in ka badan 100,000 oo deeq waxbarasho calami ah.
Faa’idooyinka(Benefits) Uu leeyahay Scholarshipkaan:
- Waa fully funded scholarship
- Gunno Bile ah (Monthly Stipend): Waxay kaa caawineysaa kharashka nolol maalmeedka (guri, cunto, iwm.).
- Caymiska (Insurance): Caymiska caafimaadka, shilalka, iyo mas’uuliyadda shaqsiga.
- Gunno Safar (Travel Allowance): Lacag lagu bixiyo kharashka tikidhada diyaaradda, iyadoo lagu saleynayo waddankaaga.
- Barasha luqadda jarmalka
Programs ugu caansan DAAD
- DAAD EPOS
DAAD EPOS( Development-Related Postgraduate Courses ) Waa deeq dhamaystiran(fully-funded) oo loogu talagalay ardayda haysta ugu yaraan 2 sano oo khibrad shaqo ah,kuwaas oo ka soo jeeda wadamada soo koraya.
- Helmut Schmidt Programme
Waxaa loo sameeyay in lagu tababaro hogaamiyeyaasha mustaqbalka ee maamulka dadweynaha, kuwaas oo gacan ka geysan doona horumarka dimoqraadiyadda iyo maamul-wanaagga wadamadooda.
- In-Region Programme
Program kaan Wuxuu maalgelin siiyaa ardayda dooneysa inay waxbarashada Heerka Masterka ama PhD ka qaataan jaamacado tayo sare leh ee ku yaal gobolka (Sub-Saharan Africa), halkii ay Jarmalka u aadi lahaayeen.
Yaa loo ogol yahay( Eligibility ) :
Barnaamiyada aad aye u badan yihiin mid walba waxaa loogu talagalay dad gaar ah, marka tag portal rasmiga ah ee DAAD, ka dib ka fiirso in laguu ogol yahay.
Wadanka:
Germany.
Required Documents:
- Passport
- Transcripts( High School or Bachelor)
- Certificates/Diploma( High School or University)
- Motivation Letter ama Personal Statement
- CV / Resume
- Recommendation Letter
- Jaamacaha qaar waxa ay aqbalan MOi(Shaadada Cadeynta Englishka), waxa aad ka heleesaa jaamacadda aa ka soo baxday.
Sidee u xareesan kartaa
- booqo websiteka DAAD
- ka dib Dooro Program Kugu haboon
- ka dib la xariira jaamacadda aad rabtid in aad xareesatid
- ka dib jaamacadda hadii ay ku aqbasho, ayada ayaa u direyso Hay’adda Daad.







