China Scholarship Council (CSC) waa Programka ugu ballaaran oo ay bixiso dowladda china, si ay u soo jeetaan ardayda caalamka. Kaas oo kaa daboolaya dhamaan qarashaadka kugu bixi lahaa.

CSC Scholarship waxaa maamusha China Scholarship Council, oo hoos tagta Wasaaradda Waxbarashada ee Shiinaha (Ministry of Education of China). Ujeeddada barnaamijkan waa in la xoojiyo xiriirka waxbarasho ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka kale, lana dhiirrigeliyo isdhexgalka dhaqameed, cilmi baaris wadajir ah, iyo horumar aqooneed oo caalami ah.

Noocyada ay u kala baxaan CSC Scholarships:

Barnaamijka CSC waxa uu leeyahay noocyo kala duwan oo loogu talagalay heerar waxbarasho iyo baahiyo kala duwan:

Type-A: Bilateral Program:

Waa nooca ugu caansan ee CSC.

  • Waxaa laga xareestaa Safaaradaha dalalka, sanad walba markii lagaaro waqtiga oo furmo applicationka, safaaradaha waa ay soo shaacin doonaan.
  • Ardaydu waxay codsan karaan bachelor, master, ama PhD.
  • Waxa ay ardayga kaa da booleysaa dhammaan kharashaadka ku baxaayo sida:
    • Tuition fee
    • Hoy
    • Lacag jaab galis ah
Type-B: University Program:
  • Waxaa toos loogu codsadaa jaamacadaha Shiinaha.
  • Jaamacadda ayaa si toos ah u gudbisa codsigaaga CSC.
  • Waxa ay kaa dabooleysaa dhamaan kharashaadka si la mid ah Type-A
Type-C: Regional Scholarships:

Maamul goboleed yada waxa ay bixiyaan scholarships ayaga u gaar ah sida Beijing, Shanghai, Guangdong, Jiangsu, iyo kuwo kale.

Ujeedada ugu weyn waa in dowladda hoose ay ayagana soo jiitaan ardayda caalamiga ah, waxa ay bixiyaan labada nooc bae ee fully funded scholarships iyo Partial Scholarships.

Type-D: kuwa ay hay’adaha si gaar ah u bixiyaan:

Waxa jiro hay’addo si gaar ah u bixiyaan scholarships kuwaas oo xiriir la leh dalka shiinaha.kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah :

Great Wall Program: waxaa bixiso hay’adda UNESCO, link  unesco.org

EU Program: Programkaan waxaa bixiso hay’adda Qaramada Midoobe, link EU Programs.

Iyo kuwo kale oo badan booqo halkaan si aad u hesho ayaga oo faahfaahsan CSC

Faa’idooyinka CSC Scholarshipska:

CSC Scholarship waa mid aad u balaaran, oo ay dowladda China ku bixiso qarashaad aad u badan waxaa ka mid ah:

  • Lacagta Waxbarashada (Tuition Fee)
  • Hoy Bilaash ah( Accommodation)
  • Lacag jaab galis ah  Bil kasta:
    • Bachelor: Â¥2,500 RMB
    • Master: Â¥3,000 RMB
    • PhD: Â¥3,500 RMB

Caymis Caafimaad

  • Fursado Cilmi-baaris iyo Shaqooyin Aqooneed
  • Yaa loo ogol yahay Deeqahaan( Eligibility ):
  • Waa in marka hore Aadan aheyn qof u dhashay chine,
  • Da’daada ahaataa:
    • Bachelor: 25 sano ka yar.
    • Master’s: 35 sano ka yar.
    • PhD: 40 sano ka yar.

Required Documents:

  1. Passport
  2. Transcripts( High School or Bachelor
  3. Certificates/Diploma( High School or University
  4. Motivation Letter/ Statement of purpose/ Letter of intent/essay
  5. CV / Resume
  6. Recommendation Letter
  7. MOI (Shaadada Cadeynta Englishka), Jaamacaha China Badanaa Wey aqbalaan.

Sidee u xareesan kartaa:

Talaabada 1aad: Dooro Jaamacadda iyo Programka aad rabtid.

Linkiga:  Programs and universities

Talaabada 2aad: Buuxi Foomka Onlineka

Tag website-ka rasmiga ah ee CSC: https://studyinchina.csc.edu.cn

  • Samee account cusub
  • Buuxi foomka codsiga
  • Dooro Program Type (A, B, ama C)

Talaabada 3aad: Dir Documentska

Talaabada 4aad: Gudbi Codsigaaga

Haddii aad codsanayso Type A, u gudbi codsiga safaaradda Shiinaha ee dalkaaga.
Haddii kale aad codsanayso Type B, u dir jaamacadda si toos ah.

Abdisalam Ahmedweli
Abdisalam Ahmedweli
Articles: 18

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *