CAS-ANSO Scholarship Waxaa hore loogu yiqiin deeqda waxbarasho ee ANSO, waxaa si rasmi ah loo bilaabay 2019 iyada oo ujeedadu tahay tababarka iyo kobcinta saynisyahanada da’da yar oo ka kala yimid adduunka oo dhan.

CAS-ANSO Deeq waxbarasho waxay leedahay laba qaybood: Degree Program iyo NON-Degree Program. Programka Degreega(Degree Program ) wuxuu taageeraa 100 ilaa 200 arday oo heerka Masterka iyo 300 arday oo heerka PhD sanad walba si ay u sii wataan waxbarashada postgraduate ee Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda Shiinaha (USTC), Jaamacadda Akadeemiyada Sayniska Shiinaha (UCAS) iyo machadyada Akadeemiyada Sayniska Shiinaha (CAS) ee Shiinaha.

Faa’idada ay kaa daboolayso Deeqdaan:

Kuwa Master:

  • Lacagta Waxbarashada oo bilaash ah.
  • Lacag jaab galis ah oo ah 3,000 CNY.
  • Caymis.
  • Free Application Fees.
  • Guri aa dagto oo lagu siinaayo.
  • Ticketka Go iyo Back.
  • One Time Visa.

Kuwa PHD:

  • Lacagta Waxbarashada oo bilaash ah.
  • Lacag jaab galis ah oo ah 6,000 ilaa  7,000 CNY.
  • Caymis.
  • Free Application Fees.
  • Guri aa dagto oo lagu siinaayo.
  • Ticketka Go iyo Back.
  • One Time Visa.

Yaa loo ogol yahay Deeqdaan CAS ANSO Scholarship:

  • Waa in Aadan heysanin dhalasho Chinese aheyn.
  • Hadii aad xareesaneyso Master Waa in aad dhalatay kadib 1da January 1996 kadib.
  • Hadii aad xareesaneyso PHD Waa in aad dhalatay kadib 1da January 1991 kadib.

Required Documents:

  1. wadamada Caalamka Wuu u furan yahay.
  2. Sawir copy oo Passportkaaga ah.
  3. Transcripts( High School or Bachelor
  4. Certificates/Diploma( High School or University
  5. Motivation Letter/ Statement of purpose/ Letter of intent/essay
  6. CV / Resume
  7. 2 Recommendation Letter

Sidee u xareesan kartaa:

  1. Booqo official CAS-ANSO Portal
  2. Ka dooro:
  3. Sameeso online Portal Account.
  4. Buuxi su’aalaha lagu weydiinaayo.
  5. Soo gali dhammaan Required documents.
  6. Dir Applicationka.
Abdisalam Ahmedweli
Abdisalam Ahmedweli
Articles: 18

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *