Jaamacadda Trento (UniTrento) ayaa soo bandhigtay Mashruuc Soo dhaweyn iyo Tababar cusub oo loogu talagalay ardayda caalamiga ah ee ka soo jeeda goobaha colaadaha ka jiraan. Hindisahani waxa uu siinayaa dhalinyarada waxbarashadooda ay hakiyeen dagaalo, xasilooni darro, ama khatar si ay u sii wataan safarkooda tacliimeed ee jawi ammaan ah.
University of Trento Scholarship wuxuu bartilmaameedsanayaa shakhsiyaadka ku nool meel ka baxsan Talyaaniga oo aan bilaabi karin ama sii wadi karin waxbarashada jaamacadeed ee dalalkooda sababo la xiriira colaad ama nabadgelyo darro.
Deeqdaan waa 1 sano oo foundation ah, ka dib waxa ay jaamacadda kuu ogolaaneysaa in aad gasho Bachelor ama Master.
Xog ku saabsan Deeqdaan:
Dalka lagu qabanaayo:
- ITALY.
Jaamacadda qabaneyso:
- University of Trento.
Programka:
- Foundation.
Waqtiga:
- 1 sano. + Bachelor or Master, if you needed.
Faa’idada University of Trento Scholarship:
- Deeq waxbarasho oo €7,200, oo la bixinaayo labada Semester.
- Ka dhaafida waxbarashada buuxda ee dhammaan koorsooyinka inta lagu jiro Sannadka Aasaaska.
- Marka aad dhameeso 1 sano oo foundation, waxa aad bilaabi kartaa Bachelor ama master Course.
- Hoy bilaash ah oo ay ku hoydaan ardayda, kaas oo ah mid wadaag, oo ay bixiso Opera.
- Laba cunto oo bilaash ah maalintii oo laga cuno makhaayadaha jaamacadda.
- Kaarka gaadiidka sannadlaha ah ee bilaashka ah ee socdaalka deegaanka iyo gobolka ee aagga Trento.
- Daboolista kharashyada safarka ee ardaygu dalkiisa hooyo ilaa Trento.
- Caymiska caafimaadka ama diiwaangelinta Adeegga Caafimaadka Qaranka Talyaaniga.
- siin tacliin, cilmi nafsi, iyo adeegyo taageero sharci.
- Helitaanka hawlaha ciyaaraha, dhaqanka, iyo isdhexgalka ee ay abaabulaan jaamacadda iyo ururada maxalliga ah.
Yaa loo ogol yahay deeqdaan:
- In aanad Noqon muwaadin EU.
- Deggan meel ka baxsan Talyaaniga.
- Ka imaaday meel colaadi ka jirto.
- Hadda ma awoodid inaad si badbaado leh u sii wado waxbarashada jaamacadda sababtoo ah isku dhac ama xasillooni darro, ka jiro dalkaaga.
- Dhammaystay ugu yaraan 12 sano oo waxbarasho ama haysta shahaado u oggolaanaysa helitaanka waxbarasho sare gudaha Talyaaniga.
Required Documents:
- Nuqul warqad aqoonsi ah( Passport or ID Card).
- Caddeynta waxbarashada heer sare.
- Warqad dhiirigelin ah oo sharraxaysa duruufaha shakhsi ahaaneed iyo sababaha loo codsanayo.
- Options:
- Shahaadooyinka luqadda,
- CV
- shahaadooyin kale oo tacliimeed.
Waqtiga(Deadline):
- November 20, 2026






